
Markii ugu horreysay ee Teeanna Brisco ay aragtay aabbaheed kaddib markii xabsiga laga sii daayay waxay ahayd waxyar kahor qalinjebinteedii iskuulka sharciga lagu barto, markaas oo ay aabbaheed ka soo qaadday garoonka.
Bernard Brisco ayaa xabsi ku jiray muddo 20 sano ah isagoo loo heystay dembiyo aan halis ahayn oo daroogada la xiriira, waxaana la xiray sanadkii 2001 isagoo ka ganacsanaya daroogada cocaine-ta. His daughter was just four years old.
Mr Brisco, oo hadda 53 jir ah, ayaa xabsi la dhigay isagoo loo cuskaday sharciga maxkamadeynta ee "saddex rogaal-celis". Sharcigan, oo Mareykanka laga hirgeliyay sanadkii 1994, ayaa qareennada waxay ku qasbanaayeen inay xabsi daa'im ku xukumaan dadka dhowr jeer geysta dembiyo.
Sharcigan ayaa waxaa isbeddel lagu sameeyay sanadkii 2018, balse gobollo badan oo dalkaas ka tirsan ayaa weli ku dhaqma.
Maaddaama uu hore u galay dembiyo la xiriira daroogada, Brisco ayaa lagu xukumay xabsi dhan 240 sano.
Gudaha Mareykanka, xabsi daa'im micnihiisu waa in inta noloshaada ka dhimman aad ku dhammeysato gudaha xabsiga.
Sidaas darteed aabbaheed "waxaa durba la geeyay xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaalla gobolka Indiana," sida ay sheegtay Brisco, oo hadda 24 jir ah.
Xukunkaas daran ee aabbaheed ku dhacay ayaa gayeysiiyay inay gasho iskuul sharciga lagu barto. Dabaal-deggii qalin-jebinteeda dhowaan ee aabbaheed uu ka soo qeyb galay ayaa abuurtay "dareen caadi ahaansho ah," sida ay sheegtay.
Waxay diiradda saareen dhammaanba wixii ugu horreeyay. Waxay ahayd "markii ugu horreysay ee aan aabbahay ka soo qaado garoonka, iyo markii ugu horreysay ee uu gaari raaco oo ay gabadhiisuna darawal ka tahay," ayay BBC-da u sheegtay Brisco.
Brisco aad ayay u yareyd markii aabbaheed uu xabsiga galay mana "xusuusato isagoo xor ah," balse waxay xusuusataa qoyskeeda oo mar walba ka sheekeyn jiray halka uu ku sugnaa.
Hooyadeed ayaa ahmiyadda siisay in gabadha iyo aabbaheed uu xiriirkoodu joogto ahaado.
"Mar walba warqad ayaan u qori jiray, [hooyadey] mar walba telefoonka way ka jawaabi jirtay markuu soo waco. Aad ayaanu isugu xirneyn. Wuxuu heystaa nuqul walba oo kaarka booqashada ee email-ka loogu soo diray."
Balse markii ay yareyd mar walba dadka ugama sheekeyn jirin halka uu aabbaheed ku maqnaa.
"Waxaan xusuustaa mar walba inaan dhihi jiray dhisme ayuu ka shaqeeyaa. Taasi waxay ii ahayd hab aan been ugu sheego dadka - marka waxaa jirtay ceeb aan dareemi jiray oo ah in dadku ay arrintan u arki karaan mid sawir ka bixinaysa qofka aan ahay".
Balse fekerkeeda ayaa is beddelay markii ay dhiganeysay dugsiga sare, waxayna billowday inay aragto waxa ay u maleyneyso inay tahay "caddaalad-darrada" xukunkiisa, waxayna aad u daneyneysay inay dadka la wadaagto sheekadiisa.
Xilliyadaas, sanadkii 2012, waxaa dalka qabsatay sheekada Trayvon Martin, oo ahaa wiil da'yar madow ahaa oo aan hubeysneyn oo uu toogtay qof deriskiisa ahaa.
Toogashadan ayaa dood kulul ka abuurtay gudaha Mareykanka oo ku saabsan isir-nacaybka ka jira Mareykanka, Brisco ayaana sheegtay inay dareentay "sida ay arrimuhu isugu xiran yihiin, sida xoojinta sharciga, hannaanka caddaaladda, hannaanka dacwad-oogidda - dhammaanba arrimahan kala duwan". Waxay billowday inay dareento inay ku qasban tahay inay wax badan barato, sida ay sheegtay.
Sida laga soo xigtay Ururka Qaran ee Horumarinta Dadka Midabka leh, Ameerikaanka madow ayaa in ka badan shan jeer kuwa caddaanka ah xukun lagu ridaa.
Xog laga helay California ayaana sheegeysa in dadka madow ee gobolka ay 12 jeer dadka caddaanka ah uga dhow yihiin in loo xukmiyo sharciga saddexda rogaal-celis, sida laga soo xigtay Xarunta Horumarka Mareykanka.
Inay fahanto farqiyadaas ayaa gayeysiiyay inay "aad u daneyso isbeddelka xukminta caddaaladda ku saleysan," sida ay sheegtay Brisco. "Weli waxaa jira dad badan oo ku jira xaaladdiisa oo kale [aabbaheed] - maaha wax keligii ku kooban".
Inta badan wixii ku dhiirrigeliyay iskuulka sharciga ayaa sidoo kale ka yimid qaraabadeeda iyo baahida loo qabay "in la beddelo dhibaatada qoyska" dadkana la tuso "inaan wax fiican ka soo dhex saari karno wixii aan soo marnay."
Markii ay soo istaagtay masraxa xafladda qalin-jebinta iskuulkeedii sharciga ee Jaamacadda Howard, oo ah jaamacad sare oo dadka madowga ah ay u badan yihiin oo ku taalla magaalada Washington, D.C., aabbaheed ayaa ugu dambeyn ay u suurto gashay inuu la dabaal-dego.
0 Comments