1: Jimicsiga wuxuu xoojiyaa awoodda maskaxda
Marka qofka ay da’diisa sii waynaato, jimicsiga wuxuu u noqonayaa faa’iido badan oo xoojinta awoodda maskaxda, xusuusta iyo garashadaba ah.
Cilmi-baaris la sameeyay 2015-kii, waxaa lagu sheegay in jimicsiga uu ka hortagayo xanuunada keena hilmaamka badan ee Asaasaqa iyo Alzheimer’s.
Jimicsiga wuxuu noqon karaa mid socod wanaagsan ah oo maalintii aad sameyso, mid gym-ka aad u aado ama in aad kubad-ciyaarto. Sidoo kale waxaad wadi kartaa baaskiil.
Dadka jimicsiga sameeyo, si degdeg ah ayey wax ku fahmaan, xusuustoodana aad ayey u wanaagsanaataa, sababtoo ah waxaa kordhaya awoodda dareenka maskaxda.
Haddaba, ogow in marka ay shaqo adag ku sugeyso ama aad khudbad jeedin rabto, saacado ka hor waxaad sameysaa jimicsi – xitaa adigoo qolkaaga ku dhex jira yara boodbood – ka dib waxaa kuu fududaanaya shaqada.
2:Jimicsiga wuxuu u fiican yahay laf-dhabarta
Jimicsiga, inta badan noocyadiisa waxay ka hor tagaan dhabar-xanuunka, lafo-xanuunka iyo in qofka u nuglaado kofitaan. Waxaa adkaanaya murqaha jirka oo dhan, taasna waxay keeneysaa in qofka uu isu dheellitirnaado.
Sidoo kale, marka qofka uu da’ noqdo, jimicsiga wuxuu ka caawinayaa in lafaha aysan dabcin oo xanuun uusan imaanin.
3: Jimicsiga wuxuu u wanaagsan yahay murqaha
Marka dadka ay gaaraan da’da 40 illaa 50, murqaha waxay billaabayaan in ay dabcaan oo xanuunaan. Taas waxay keeneysaa in qofka uu isu dheellitirmi waayo jir ahaan.
Balse jimicsiga wuxuu keenayaa in qofka uu adkaado, da’dadana aysan ka muuqanin. Sidoo kale xanuunka kala-gosyyada ayuu jimicsiga ka hortagayaa.
4: Jimicsiga wuxuu kordhiyaa raganimada
Sida lagu ogaaday cilmi-baaris, jimicsiga wuxuu xoojinayaa raganimada ama gabarnimada. Labada qofka – rag iyo dumarba – wuxuu u adkeynayaa jirka iyo rabitaanka.
Sidoo kale, waxaa kordhaya shucuurta, kalsoonida iyo aaminidda-naftaada. Dhammaan waa arrimo u fiican raganimada.
5: Jimicsiga wuxuu leeyahay hurdo wanaagsan
Muddo, waxaa jimicsiga loo isticmaalayay in lagu hagaajiyo qaabka hurdada qofka. Tusaale, sababta carruurta ay aadka ugu hurdaan waxaa sabab u ah ciyaarta badan oo jirkooda wuu daalayaa.
Cilmi-baaris muddo socotay oo 2014-kii lagu daabacay Joornaalka arrimaha nolosha ee Lifestyle Medicine, waxaa lagu sheegay in dadka hurdo la’aanta ay dhibka ku hayso lagu daweyn karo jimicsiga.
6:

Jimicsiga joogtada ah wuxuu u wanaagsan yahay dheef-shiidka
Inkastoo dibirada ay sababaan arrimo kala duwan, haddana jimicsi la’aanta, waxaa lagu sheegay in arrin wayn oo sababta in ay tahay.
Haddaba in aad si joogto ah u jimcisato, waxay u wanaagsan tahay caloosha iyo dheef-shiidka.
0 Comments